Doorashada Golaha Sharcidejinta Qaranka ee 30 Maarso 1964: Doorashooyinkan waxaa lagu maamulay Shargiga Lambarkiisu yahay Lr. 4 ee 22 Jannaayo 1964. Doorashada xilligan oo la qabtay Maarso 1964 waxaa ka qaybgalay oo codkooda dhiibta 914.069 muwaadin soomaaliyeed. Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka: Si waafaqsan Qodobka 2-aad ee sharcigan, 123 xildhibaan ee Golaha Sharcidejinta Qaranka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ((universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntaas oo ahayd mid shakhsi ah, loo siman yahya, xor ah, doorasho toos ah oo qarsoodi ah. Isla Qodobka 2-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in Muwaadin kasta oo rag iyo haweenba leh, oo ugu yaraan sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsaday waxay leeyihiin xaqqa codeynta. Waxaase shardi ah in miirkiisu u dhan yahya, in gaboodfal uu galay awgeed aan lagu ridin xukun ka reebaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira. Sharcigan wuxuu Qodobkiisa 3-aad ku xeeriyey in muwaadin kasta oo ugu yaraan 25 jirsaday sanadka doorashada la qabanayo , oo karti u leh wax-akhris iyo far-qorista waxay xaq u leeyihiin in loo [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 4aad” Akhriso+Dhageyso
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 5aad” Akhriso+Dhageyso
Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeennada Guddoomiye ku-xigeennada Golaha Shacbiga – 1964 Kulankii koowaad ee Golaha Cusub waxaa la qabtay 26th Maajo 1964, ajenda ugu horraysayna waxay ahayd doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka. Sida Dastuurku farmayo qaybta hore ee kulanak waxaa shir guddoominayey xildhibaanka ugu da’weyn, kaasoo noqday M.ne Maxamed Cosoble Cadde oo 58 jir ahaa. Waxaa jagada guddoonka u ku tartamay laba Xildhibaan oo kala ah M.ne Cali Garaad Jaamac, oo ahaa Wasiirka Beeraha iyo M.ne Axmed Sheikh Maxamed Cabsiye. Sida dastuurku qabay labada wareeg hore waxaa lagu kala guuleysanayey qofkii hela 82 cod, oo dhigan 2/3 tirada guud ee xubnaha Golahu ka koobnaa 123 xildhibaan. Waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 120 xildhibaan, waxayna labada musharrax ku kala bexeen wareegga koobaad, sida ku cad shaxdan: Magaca Musharraxa Wareegga 1-aad Wareegga 2-aad Wareegga 3-aad M.ne Axmed Sheikh Maxamed Cabsiye 82 Looma baahan Looma baahan M.ne Cali Garaad Jaamac 38 Looma baahan Looma baahan Qaybta labaad ee kulankan waxaa la gudagalay doorashada saddaxda Guddoomiye ku-xigeennada Golaha, waxaana ku guuleystay Xildhibaan Xaaji Bashiir Ismaciil, iyo Sheikh Mukhtaar iyo Axmed Qumane, codadka ay ku guleysteen waa sida shaxdan hoose ku muuqaalisan: Magaca Musharraxa Wareegga 1-aad Wareegga 2-aad Wareegga 3-aad M.ne Xaaji Bashiir Ismaciil 78 0 0 [...]
↧
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 6aad” Akhriso+Dhageyso
Doorashooyinka Golaha Sharcidejinta 4-aad ee Qaranka 26 Maarso 1969: Dorashooyinkan la qabtay bishii Maarso 1969, waa doorashadii 3-aad uguna dambaysay Soomaliya oo dadweynuhu si toos ah u doorto madaxdiisa iyo wakiilladiisa siyaasadeed, waana doorashadii ugu horreysay oo isku mar la qabto Doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka iyo wakiillada Golayaasha Dawladaha Hoose dalka oo dhan, waxaana lagu maamulay Sharciga Lambarkiisu yahya Lr. 13 ee 6 Juun 1968. Wax-ka-beddeka lagu sameeyey Qodobka 9-aad ee shargigan ayaa soo kordhiyey nidaamka cusub oo tirada kursiga loogu guuleysto iyo shuruudaha musharrixiinta Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka: 123 xildhibaan ee uu ka koobnaa Golaha Sharcidejinta Qaranka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin codeynta (universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Muwaadin kasta oo rag iyo haweenba leh, oo ugu yaraan sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsaday waxay leeyihiin xaqqa codeynta. Waxaase shardi ah in miirkiisu u dhan yahya, oo aan lagu ridin xukun ka reebaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira. Dhammaan muwaadin xaqqa codeynta oo ugu yaraan 25 jirsaday sanadka doorashada la qabanayo, oo karti u leh wax-akhris iyo [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 7aad” Akhriso+Dhageyso
Casharrada laga bartay xilligan waxaa ka mid aha, in musharraxiinta intii doorashada xildhibaannimada ku guuleysatay waxay badankood haddiiba ku biireen Xisbiga aqlabiyadda helayee SYL, astaanta xisbiyadooda waxay u adeegsadeen keliya ololaha doorashada, oo marba haddii la doortay way ka bexeen, maadaam uu xildhibaanku marba haddii uu ka mid noqdo xubnaha Golaha uu kursigiisu u madaxbannaan yahay, mana jirin sharci ama xeernidaamiye xakameeya in xildhibaanku ka bixi Karin xisbigiisa ama kursiga ku wayayo. Sidoo kale majirin nidaam siyaasadeed oo xisbigu leeyahay oo xakameeya xildhibaanka ama isku xira kursiga iyo xisbiga kursiga helay. Saa daraadeed dhamaadkii bisha Maajo 1969 waxaa 36 ka mid ahaa xildhibaannadii axsaab kale kuraastooda kusoo guuleystay baa ku biiray xisbiga SYL oo markii hore lahayd 73 kursi, sidaasna ku yeeshay 109 kursi. Waxaa intaa dheer in xisbigii Somali National Congress (SNC) oo lahaa 11 kursi isna isbahaysi buu la yeeshay SYL una kobocday oo yeelatay 120 kursi ka mid ah 123 xubnood uu Goluhu ka koobna, aqlabiyadaasna xisbiga SYL ku qabsaday xukunka iyo maamulka dalka. Ololaha tartanka doorashooyinka siyaasadeed ee 1969 waxaa ka qaybgalay axsaab badan. Xisbiga SYL ayaa ahaa xisbiga keliya haystay taageerada dadka kuna baahsanaa degmooyinka dalka oo dhan, dhanka mucaaradkana xisbiga SNC ayaa isna haystay [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 8aad” Akhriso+Dhageyso
Laga bilaabo 21 Oktoobar 1969 markii ay saacaddu ahayd 03:00 habeennimo waxay CQS caddeeyeen in ay laaleen Dastuurka iyo dhamaan awoodihii dawladda oo Dastuurku bixiyey. Kuwaas oo ay ka mid yihiin awooddii Sharcidejinta ee Baarlamaanka, awoodii Laanta Garsoorka iyo awoodii laanta fulinta, doorashooyinka, axsaabta siyaasadeed, ururrada shaqaalaha iwm. Waxaa bilowday 10 sano oo dalku dastuur la’aan aha, waxaana loo diyaarinaayey in lagu dhaqo nidaamka hantiwadaagga Guddoonka Dhexe. 21-kii Oktoobar 1969 waxaa la soo saaraya warqaddi 1-aad ee Kacaanka 21 Oktoobar 1969 oo kala qeexeysay siyaasadda arrimaha gudaha iyo arrimaha dibadda: LA PRIMA CARTA DELLA RIVOLUZIONE D’OTTOBRE 1969 PROGRAMMA POLITICO – WARQADDA 1-AAD EE KACAANKA OKTOOBAR 1969 BARNAAMIJ-SIYAASADEEDKA THE FIRST CHARTER OF THE OCTOBER REVOLUTION 1969 POLITICAL PROGRAM Italian (Original) Somali translation (unofficial) English translation (unofficial) Politica Interna Siyaasadda Gudaha Internal Policy Costitutire una societa basata sul lavoro e sul principiodella giustizia sociale, considerando le particolarita’ dell’ambiente e le considzioni del somalo In la abaabulo bulsho ku dhisan shaqo iyo mabda’a cadaalad bulshadeed, iyadoo la qaddarinaayo bay’adda iyo xaaladaha Shacbiga Soomaaliyeed; To constitute a society based on work and on the principle of social justice, considering the environment and conditions of the Somali People; Preparare ed orientare lo sviluppo economic sociale [...]
↧
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 9aad” Akhriso+Dhageyso
Afti Qaran 25 Agoosto 1979 oo lagu ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliya Muddo 3 sano gudahood waxaa lagu sameeyey Dastuurkii 1979 oo loo diray in shacbigu afti qaran ku ansixiyo. Arrimaha ugu muhiimsan ee Dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ah: – a) Nidaam xisbiyeedka: Xisbi keliya – Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliya (XHKS); (b) Nidaamka Jumhuriyaddain uu yahay Nidaam Madaxweynuhu yahay Madaxa Dawladda iyo Madaxa Laanta Fulinta oo Golaha Shacbku dooranayo. Wadarta dadweynaha codeeyeye: 3.605.490 Natiijada Aftida Qaran Tirada Codadka U dhigma boqolkiiba % Codadka yiri: “Oggol” 3,597,592 99.78% Codadka yiri: “Maya” 7,898 0.22% Doorashadii Golaha Shacabka ee 30-kii Deseembar 1979 Ka dib markii Dastuurku ansax noqday 30 Diseembar 1979 waxaa la dhisay Golaha Shacbiga oo ku yimid nidaamka doorashada xisbiga keliya, kaas oo ahaa (XHKS), oo xilkiisa Sharcidejintu yahay muddo shan (5) sano. Tirada Kuraasta Golaha Shacabku wuxuu ka koobna 177 xubin, oo lix ka mid ah uu soo magacaabayo Madaxweynaha sida ku cad Qodobka 61(4) ee Dastuurka 1979 oo xeeriyey: “Madaxweynaha JDS wuxuu magacaabi karaa xildhibaanno Golaha Shacabka ilaa Lix (6) qof oo laga dhex xulo dadka si gaarka ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo”, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa liiska [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 10aad” Akhriso+Dhageyso
Kordhinta muddada xilhaynta Golaha Shacabka iyo Dejintii Dastuurka 1990 Dhamaadkii sideetaankii waxaa aad usoo kordhay guuxa dadweynaha oo ay ku diidan xukunkii militeriga iyo nidaamkii halka xisbi keliya iyo mabaadii’dii hantiwadaagga cilmiga ku dhisan oo isku dhex milmay iyo qabiileysigii in muddo ahba si maldahan loo adeegsanaayey oo si daran usoo ifbaxay. Waxaa intaa dheer in Diseemabr 1989 oo muddadii shanta sano ee xilhayntii Golaha Shacabka oo dhamaatay. Ayadoo la qaderinay daruufaha gaar ah ee xilligaa jiray iyo waxkabedelka Dastuurka lagu guda jiray awgeed, waxaa la go’aamiyey in Golaha Shacabka uu xilka sii hayo si uu u soo diyaariyo Dastuur cusub oo nidaamka Jumhuuriyadda loo celinaayo nidaam-dawladeedka rayadka ah ee axsaabta badan, laguna beddelo Dastuurkii 1979 oo ku dhisnaa xukunka hal xisbi keliya iyo mabda’ hantiwadaagga guddoonka dhexe. Waxaana Guddoomiyaha Golaha Shacabka loo doortay M.ne S/Gaas Xusseen Kulmiye Afrax oo xilka hayey 1989-1991. Waxaa la dhisay Guddiga Diyaarinta Dastuurka, oo Golaha Shacabka horkeenay qabyoqoraal Dastuureed oo muddo dheer si tifaftiran uga dooday, doodahaas oo dadweynuhu si toos ah Radiyo Muqdisho loogu tebinayey. Golaha wuxuu Dastuurkaasi u ansixiyey qodobqodob ka dibna wuxuu cutubyadiisa oo iskuduuban u ansixiyey 14-kii Oktoobar 1990 laguna soo saaray Faafinta Rasmiga ah Lr. 1R.10, ayadoo afti qaadista [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 11aad” Akhriso+Dhageyso
Doorashadii Golaha Shacabka Dawladda ku-meel-gaarka ee lagu soo dhisay Embakati, Kenya – 20-kii Agoosto 2004 Maadaama ay dhamaatay muddadii xilhaynta afarta sano ee Golihii shacbiga la dishay 2000, waxaa la dhisay Gole cusub oo xilhayntiisu tahay afar (4) sano, kana kooban 275 xildhibaan oo ay soo xuleen odayaal dhaqameedka beelaha Soomaaliyeed. Waxaa la ansixiyey Cahdiga Federalka ku-meel-gaarka ah ee 2004, waxaana la doortay Guddoonkii Baarlamaanka loo doortay M.ne Shariif Xassan Sheekh Aadan oo xilka Guddoonka hayey 14 Sep. 2004 ilaa 2007. Waxaa kaloo isla kulankaas lagu doortay Madaxweynaha Dawladda KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doorashadii Madaxweynha Dawladda Federaalka ku-meel-gaarka ah oo lagu qabtay Nairobi, Kenya10-kii Oktoobar 2004 –Transitional Federal Government (TFG) Waxaa dooranayey: Baarlamaanka Federaalka ku-meel-gaarka – waxaa goobjoog ahaa oo codeynayey 275 xildhibaan. Waxaa ku looltamayey 26 musharrax. Natiijada doorashadana waxay noqotay sida ku muuqaalisan shaxdan: Wareeg Codadka aamusay ama xumaaday: Cododka ansaxay: Wadarta Cododka Wareega Koowaad 2 273 275 Wareega Labaad 7 268 275 Wareega Saddaxaad 7 268 275 Magaca Musharraxa Wareegga 1-aad Wareegga 2-aad Wareegga 3-aad Cabdullaahi Yuusuf Axmad 80 (29.30%) 147 (54.85%) 189 (70.52%) Cabdullaahi Axmad Cadow 35 (12.82%) 83 (30.97%) 79 (29.48%) Maxamed Qanyare Afrax 33 (12.09%) 38 (14.58%) – Cabduraxman Jaamac Barre 18 (6.59%) [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 12aad” Akhriso+Dhageyso
Dejinta iyo ansixinta Dastuurka Agoosto 2012 – Dhisidda Baarlamaankii 9-aad ee Soomaaliya – Ka bixiddii ku-meel-gaarnimada Taniyo 2008 waxaa lagu hawlanaa dejinta Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo soo maray marxalado badan. Waxaa ugu dambayntii si ku-meel-gaarah u ansixiyey 135 odayaal dhaqameedka soomaaliyeed oo ay wehliyaan ergooyin ilaa 800 kor u dhaafay oo laga soo xulay bulshaweynta iyo urrurrada bulshada rayadka ah. Waxayna dastuurkan wax-ka-beddellada uu baahan yahay u igmadeen Baarlamaanka cusub ee federaalka. Ansixinta dastuurkan oo looga guurayey Ahdigii ku-meel-gaarka ahaa ee 2004 wuxuu ahaa tallabadii ugu horreysay oo looga baxayey ku-meel-gaarnimada dawladda. Arrimaha uu dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ahaa in tirada xubnaha Aqalka Golaha Shacbigu ka kooban yahay 275 xildhibaan, Aqalka Sarena 54 xildhibaan ka wakil ah Dawladaha Goboleed. Saa daraadeed odayaasha dhaqanka ee 135ta ahaa waxay markiiba u hawlgaleen xulidda xildhibaanada Golaha Shacabka. Kasoo lasoo gabagabeeyey xubnaha cusub e Golahana la dhaariyey 20-kii Agoosto 2012 – saacadduna ahayd 5:00 galabnimo. Golaha wuxuu isla maalintaasba isla oggolaaday in M.ne Muuse Xassan noqdo Guddoomiyaha ku meel gaarka ah maadama uu ahaa xildhibaanka ugu da’da weyn, oo uu shirguddoomiyo kulammada Golaha ilaa iyo inta Goluhu Gudoonkiisa ku dooranayo. Markii ay soo dhamaadeen hawlihii musharrixiinta u tartamaysay Guddoonka Baarlamaanka, Golaha [...]
↧
↧
FAALO: Go’doominta Al-shabaab iyo Gaajada Shacabka
Qaybo badan oo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa ku dhuftay Abaaro baahsan kuwaas oo ay ku nafwaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, ka dib markii ay waayeen Biyo iyo Cuno, sidoo kale Qoysas badan ayaa cayrtoobay ka dib markii ay Abaartu latagtay Xoolihii ay ku tiirsanayd Noloshoodu. Ma ahan wax cusub in ay Abaaro ka dhacaan Soomaaliya, hase ahaatee Sanadkaan ayaa ahaa mid uu ka baahsan yahay Qasaaraha gaaray Dadwaynaha gaar ahaan kuwa ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, sababtuna ma’aha in abaartu ay ka kulushahay Abaarihii hore balse sababta ugu wayn ee keentay Qasaaraha gaaray Shacabka ayaa ah is-hortaag ay Kooxda Alshabaab ku samaysay Gurmadkii lagu caawin lahaa Dhibanayaasha. Kooxda Alshabaab oo ku sugan qaybo ka mid ah Goobaha ay sida daran u saamaysay Abaarta oo ay ka mid yihiin deegaano ka kala tirsan Dawlad-goboleedyada Jubaland, Koofurgaleed, Hirshabelle iyo Galmudug, ayaa mamnuucday nuuc kasta oo gargaar ah oo ay helilahaayeen Dadwaynahaas,taas oo keentay in Shacab badan oo iyaga iyo Xoolahoodaba labadbaadinkaray in ay latagto Abaarto. Kaliye uguma ekayn Dadwaynahaas Kooxdu in ay Go’doomiso , balse waxey xitaa udiideen in ay ka baxaan Goobaha ay Maamulaan,iyagoo ugaarsaday qaybo yar oo ka mid ah Shacabkaas oo isku dayay in ay kazoo baxsadaan Go’doonkaas. [...]
↧
Dhaqdhaaqa Dhalinyarada Qarannimo oo hambalyo usoo diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
Dhaqdhaaqa Dhalinyaradda Qarannimo ayaa Hambalyo Hawada usoo mariyey Madaxweynaha Cusub ee la doortay Mudane Maxamed C/llahi Farmaajo. Mudane Madaxweyne kusoo dhawaaw Shacab aad kuu jecel kuna Hanweyn in aad hiil u fidiso isla markaana aad horsed u noqoto sidii ay dhibka uga bixi lahaayeen. Madaxweynaha La doortow waxaan alle kaaga Baryeynaa in uu Culeyska Dushaada la saaray uu kuu dhib yareeyo isla markaana aad sabab u noqoto dib usoo kabsada Qaranka Soomaaliyeed.
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 4aad” Akhriso+Dhageyso
Doorashada Golaha Sharcidejinta Qaranka ee 30 Maarso 1964: Doorashooyinkan waxaa lagu maamulay Shargiga Lambarkiisu yahay Lr. 4 ee 22 Jannaayo 1964. Doorashada xilligan oo la qabtay Maarso 1964 waxaa ka qaybgalay oo codkooda dhiibta 914.069 muwaadin soomaaliyeed. Arrimaha ugu muhiimsan ee lagu xeeriyey Sharcigan Doorashooyinka: Si waafaqsan Qodobka 2-aad ee sharcigan, 123 xildhibaan ee Golaha Sharcidejinta Qaranka waxaa lagu soo doortay mabda’a doorashada oo ay ragga iyo haweenkuba xaq u leeyihiin una siman yihiin codeynta ((universal suffrage), waxaana lagu fuliyey nidaamka qofkiiba-hal-cod, (one-man-one-vote system). Codeyntaas oo ahayd mid shakhsi ah, loo siman yahya, xor ah, doorasho toos ah oo qarsoodi ah. Isla Qodobka 2-aad ee sharcigan wuxuu xeeriyey in Muwaadin kasta oo rag iyo haweenba leh, oo ugu yaraan sannadka doorashooyinka la qabanaayo 18 jirsaday waxay leeyihiin xaqqa codeynta. Waxaase shardi ah in miirkiisu u dhan yahya, in gaboodfal uu galay awgeed aan lagu ridin xukun ka reebaya inuu xil ka qabto xafiisyada Dawladda, ama xukun looga qaadin xaqqa codeynta ama dembi uu galay awgeed xabsi ku jira. Sharcigan wuxuu Qodobkiisa 3-aad ku xeeriyey in muwaadin kasta oo ugu yaraan 25 jirsaday sanadka doorashada la qabanayo , oo karti u leh wax-akhris iyo far-qorista waxay xaq u leeyihiin in loo [...]
↧
FAALLO :Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa soo jireen
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa xiriir diblomaasi oo dhinacyo badan leh, Xiriirkaan oo ah mid taariikhdiisa fogtahay ayaa waxa aan ku soo xasuusan karnaa dawladii cusmaaniga oo uu hogaaminaye cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka soomaaliya dawladaan oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneen dalka turkiga Magaalo Madaxna u aheyd istanbul, waxaana uu soo jira kuwaad 300 oo sano, caqiiddo ahaanna labada shacab waxay isaga mid yihiin Diinta Muslimka ahna ( suni.) Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan Madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku kala taga labada wadan, iyadoo Wadanka Turkiga uu saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Afrika, waxayna Booqashadii Taariikhiga aheyd Bishii August 19-keedi sanadkii 2011 uu Racep Tayyib Erdogan oo xilligaasi ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Turkiga waxa uuna booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, isaga iyo Wafdiga ballaaran oo ka socday Dowlada Turkiga iyo ganacsato u dhalatay Dalkaasi, taasi oo bedeshay fikirkii ay Madaxda Caalamka ka qabeen Soomaaliya ee ahaa in aan la imaan Karin Soomaaliya. Madaxweynw Racep Tayyib Erdogan ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxa uu booqday [...]
↧
↧
Faallo: Dhallinyarada maanta waxaa la gudboon in ay qaataan doorkii SYL
Markii u horeysay ee dhallinyaro Soomaali ah ay ka caroodaan falalkii ama dhibaatooyinkii ay la yimaadeen gumeysiga cusub ee reer Yurub waxay aheyd sanadkii 1884-tii oo la baneystay qeybsiga qaaradda Afrika,taasina waxa ay sababtay in dadku ay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa quwadaha shisheeye ee dalka u yimid in ay ka fuliyaan dano gaar ah,iyagoo oo adeegsanaya qaab gumeysi casri ah oo ka duwan xilligii is-adoonsiga ee dunida laga mamnuucay 1812-kii . -Dhalinyarada oo ah xoogga ama cududda bulshada ,ayaa xilligaasi dareemay tabihii iyo xeeladihii ugu horeeyay ee ay la soo baxaan gumeysiga cusub ,waxayna u howlgaleen sidii lagu raaadin lahaa awood mideysan oo lagula dagaalamo cadawga shisheeye ,waxayna ku dhawaaqeen urur loogu magac-daray Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1943-dii,kaas oo 1947-dii isu badalay SYL ururka xoreynta dhallinyarada soomaaliyeed . Dadka Soomaaliyeed oo lagu tiriyo kuwo aad u neceb gumeysga ,isla markaana awood iyo karti u leh in ay la dagaalaman nuucyada cadowga gumeysiga ,waxa ay gacan dhaqaale iyo xoogba kula safteen dhallinyarada oo waqtigaasi u oomanaa in ay shacbiga ka dulqaadaan kuwa dhiigmiiradka ah ee u soo tafa-xeytay ama ku soo qamaamay in ay sii joogteeyaan qaadashada kheyraadka gudaha dalka. Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay hogaaminaayaan 13-xubnood oo badankoodu [...]
↧
Faallo: Safarada Madaxweynaha ee dibadda (Yuusuf Garaad)
Intii aan xilka Wasiirnimo hayay waxaan u dhoofay safarro shaqo oo dhowr ah. Marka laga reebo shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika ay isugu yimaadeen oo aan uga qeyb galay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxay safarradeydu ahaayeen qaar aan Madaxweynaha u raacay safarro shaqo iyo Booqasho Qaran oo uu ku tegey dalal dhowr ah. Waxaan tagnay Abu Dhabi, Ankara iyo Antalya oo ah dalka Turkiga, Addis Ababa, London, Riyadh, Djibouti iyo Dooxa. Waxaa ka horreeyay safar uu Madaxweynuhu ku tegey Nairobi ka hor inta aan la ansixin Xukuumadda. Waxaan qormadan ku soo bandhigayaa faahfaahin ku saabsan ujeeddada safaraddaas, sababta keentay in uu Madaxweynuhu baxo intii ay Wasiirro bixi lahaayeen, waxa hadda ku soo beegay iyo kharashka ku baxay inta uu le’eg yahay. Maxaa kallifay Safarradan? Laga billaabo markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii 8-da Febraayo, Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay kalsooni weyn u muujiyeen Hoggaanka dalka. Sidoo kale waxaa aad loo soo dhoweeyay magacaabidda Ra’iisal Wasaaraha iyo dhismaha Xukuumadda. Waxayna dadweynaha Soomaaliyeed ka dhowrayaan waxqabad la taaban karo. Kaas oo u baahan dadaal iyo xiriir wanaagsa oo lala yeesho dalalka u heelan Soomaaliya. Haddana marka ay Madaxweynaha, Ra’iisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirradu xilka ay la wareegeen laguma wareejin maaliyad ay [...]
↧
Wargelin Ku Socota Akhristayaasha Webka Radio Muqdisho
Akhristayaasheenna sharafta leh waxaan idiinku wargelineynaa in wax ka bedel lagu sameeyey qaabka dhageysiga Tooska ee Radio Muqdisho aad uga dhageysan jirteen Websiteka kadib markii ay soo baxeen cabashooyin badan oo la xiriira in aan wax ka bedel ku sameyno dhageysiga soo shidmayey marka uu qofku soo booqdo Webka kuwaasi oo dhankiinna nooga yimid. Hadaba anaga oo tixgelineyna codsiyadiinna laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 03-June-2017 waxaan joojinay in dhageysiga Tooska uu soo shidmo marka webka aad soo gashaan waxaanna idiinkaga dhignay in qofkii raba dhageysiga Radio Muqdisho ee Tooska ah uu ka dhageysan karo dhanka midig ee bogga qeybta kore ee ay ku qoran tahay Toos U Dhageyso adiga oo ku dhufan kara sawirkaas kadibna ay idaacadda kuusoo daarmi doonto. Mahadsanidiin Maamulka Radio Muqdisho
↧
Faallo: Maku dhiiran laheyd in aad ku Dagaal gasho Hub bilaa Rasaas ah, taageerana laheyn!?
Way adagtahay Dal in ka badan rubac Qarni burbursanaa, oo dagaallo Sokeeye ay ka socdeen muddo gaaban gudahood Dowladnimo iyo Maamul wanaag in lagu hoggaamiyo, waxaana Sababaya Labo Arrimood oo kala ah:- 1- Shaqsiyaad ka faa’iiday Dowlad la’aantii jirtay, oo caqabad weyn u arka in Dowlad Dalka uu yeesho, waxayna Shaqsiyaadkan iyaguna ay u kala baxaan Labo Kooxood. (A) Qabqable dagaal oo Heysta Hub iyo Maleeshiyaad Daacad u ah, Dadka ayey dhacaan, Jidgooyooyin Lacago badan kasoo xaroota ayaa u taala, Qofkii iyaga Siyaasad ahaan Ama Ficilka ay sameynayaan kasoo horjeestana qurka ayey ka jaraan, ileen Dowlad iyo Cid la xisaabtameysa ma jirtee, mana rabaan in ay dhalato, Maxaa yeelay Howshii ay wadeen ayaa soo afjarmeysa. (B) Ganacsato Lacago badan heysata oo Dalka soo geliya Badeeco dhacsan, kana Macaasha, iyagoo aan u tureyn Dadka Shacabka, Qiimaha Badeecooyinka iyo Lacagta ayey marna kor u qaadaan marna Hoos u dhigaan, mana Doonayaan in Dowlad la helo Sababtoo ah haddii Dowlad ay Dhalato waa lala xisaabtamayaa, Canshuur Dalka iyo Dadka loogu Adeegana waa laga qaadayaa. 2-Jiilkii Dhashay Burburkii Dowladdii Kacaanka kadib, oo Saameyn weyn ku leh dhisadad Dowladda ayaa Caqabad ah, Maxaa yeelay weli ma aysan arag Nidaam Dowladeed iyo kala dambeyn, oo waxa [...]
↧
↧
Faallo:- MA 3 BIL OO KELIYA?
Markii aan akhriyay warbixinta uu dhawaan soo saaray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa waxaa iga timid illin, jirkoo dhan iyo xaadda i dhaqaaqday. Wasiir Bayle, Warbixintan wuxuu ugaga hadlayaa wixii uu qabsoomay Wasaaraddiisa muddadii saddexda bilood ee la soo dhaafay, waxaanse aad ul yaabay xukuumadihii la soo dhaafay ee waqtiga badan innaga qaaday maxay dalkan iyo dadkan u reebteen, mase is tiri intaas in loogaga haro maahee waa in la xisaabtamo oo maxkamad la soo taagaa? Warbixintu waxay sheegeysaa: ✔ In la Xaqiijiyay Ciribtirka Musuqmaasuqa kaas oo la yareeyay 75% ✔ Daqliga Dekada laga soo saaro oo la gaarsiiyay $300,000, ayadoo awal laga soo saari jiray $150,000 ✔ Daqliga Airportka oo la gaarsiiyay $75,000, halkii markii hore laga soo saari jiray $20,000 ilaa $30,000, kadib markii la bilaabay daba gal adag iyo la dagaalanka musuqa ✔ Waxaa la baxiyay Dhammaan mushaarkii Ciidanka iyo shaqaalaha iyo sidoo kale Cuntada iyo saadka kale ee Ciidanka. ✔ Waxaa la xaqiijiyay in wasaarad walba la siiyo waxyaabaha yaryarka ah aay ubaahantahay (Running Cost) si shaqadeeda u hirgasho, ayadoo awal eysan jirin in wasaaradaha iska warqabaan ama ee heelaan Running cost-gaas. ✔ waxaa lala kulmay dhamaan kooxaha kala duwan ee [...]
↧
Taxanaha Taariikhda Doorashooyinka Soomaaliya 1959-2012 “Qeybta 9aad” Akhriso+Dhageyso
Afti Qaran 25 Agoosto 1979 oo lagu ansixiyey Dastuurka Jamhuuriyadda Demoqraadiga Soomaaliya Muddo 3 sano gudahood waxaa lagu sameeyey Dastuurkii 1979 oo loo diray in shacbigu afti qaran ku ansixiyo. Arrimaha ugu muhiimsan ee Dastuurkan xeeriyey waxaa ka mid ah: – a) Nidaam xisbiyeedka: Xisbi keliya – Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliya (XHKS); (b) Nidaamka Jumhuriyaddain uu yahay Nidaam Madaxweynuhu yahay Madaxa Dawladda iyo Madaxa Laanta Fulinta oo Golaha Shacbku dooranayo. Wadarta dadweynaha codeeyeye: 3.605.490 Natiijada Aftida Qaran Tirada Codadka U dhigma boqolkiiba % Codadka yiri: “Oggol” 3,597,592 99.78% Codadka yiri: “Maya” 7,898 0.22% Doorashadii Golaha Shacabka ee 30-kii Deseembar 1979 Ka dib markii Dastuurku ansax noqday 30 Diseembar 1979 waxaa la dhisay Golaha Shacbiga oo ku yimid nidaamka doorashada xisbiga keliya, kaas oo ahaa (XHKS), oo xilkiisa Sharcidejintu yahay muddo shan (5) sano. Tirada Kuraasta Golaha Shacabku wuxuu ka koobna 177 xubin, oo lix ka mid ah uu soo magacaabayo Madaxweynaha sida ku cad Qodobka 61(4) ee Dastuurka 1979 oo xeeriyey: “Madaxweynaha JDS wuxuu magacaabi karaa xildhibaanno Golaha Shacabka ilaa Lix (6) qof oo laga dhex xulo dadka si gaarka ah ugu soocmay goobaha cilmiga, adabka iyo fanka, ama leh qiimo sare ee waddaninimo”, Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ayaa liiska [...]
↧
Wasiirka Warfaafinta iyo Guddoomiyaha Gobolka oo soo xiray tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Thabit Cabdi Maxamed ayaa caawa si wada jir ah u soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 28 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo ay ugu badnaayeen degmooyinka Gobollka Banadir. Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha telefishinka Qaranka, Agaasimaha Radio Muqdisho iyo Agaasimaha Guud ee Wasaarasdda Warfaafinta. Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte Agaasimaha Radio Muqdisho kulanka hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, waxaana uu ka codsaday Madaxda Wasaaradda iyo Maamulka Gobolka Benaadir inay gacan ka geystaan sidii aqoonta uu tartanka xambaarsanaa bulshada loogu daabici lahaa. Agaasimaha Telefishinka Qaranka Mudane Liibaan Cabdi Cali ayaa sheegay in sanadka soo socda ay wax badan ka badali doonaan tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, isagoo xusay in tani ay tahay talaabo aad u wanaagsan oo mudan in la joogteeyo, maadama sanadkan lagu soo kordhiyay in [...]
↧